Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in sanadka soo socda ay marti gelineyso shir uu uga hadlayo dalka Iraan.

War ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Shirkaas uu 13ka ilaa 14ka Bisha February ka socon doono Magaalada Warsow ee Caasimadda Dalka Poland.

Wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka  Mike Pompeo, oo la hadlay Fox News ayaa sheegay in shirkaasi ku saabsanyahay nabdda, iyo xasilloonida  Bariga dhexe iyo saameynta sii kordheysa ee Iraan ku leedahay Gobolka.

Mike Pompeo, ayaa muddo 8 maalmood ah ku sugnaa Bariga dhexe isaga oo hoggaamiyayaasha Carabta kala hadlayay in ka bixitaanka Mareykanka ee Syria aysan ahayn mid uu ku cidleynayo saaxiibadiisa Gobolka.

Waxaa uu mid mid u booqday dhamaan dalalka Carabta,waxaana uu mid ka mid ah Khudbadihii uu jeedinayay ka sheegay in Iraan iyo Daacish ay isku midyihiin dhinaca qatarta hadda ka jirta Bariga dhexe.