Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika ayaa ka hadlay weerar ay ka geysteen Toolo lagu magacaabo Huleey oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose.

Qoraal ka soo baxay Africom ayey ku sheegeen in weerarkaasi dhacay 11kii Bishan ayna ku dhinteen 2 ka mid ah Al-shabaab.

Waxaa kale oo war saxaafadeedka Mareykanka lagu sheegay in weerarkaasi uusan wax khasaare ah ka soo gaarin dadka rayidka ah ee degaankaas ku nool.

10kii Bishan Mareykanka ayaa sheegay in weerar uu ka geystay degaanka Daarusalaam ee Gobolka Shabeellaha hoose uu ku dilay 8 ka mid ahaa Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa dhankooda sheegay in weerarkaas ay ku dileen Askari Mareykan ah laba kalena ay ku dhaawaceen inkasta oo uu Mareykanka beeniyay.

Dowladda Mareykanka ayaa sare u qaadday weerarrada ka dhanka ah AL-shabaab,waxaana sanadkan la marayo bishiisii saddexaad uu Mareykanku sheegay in uu Soomaaliya ku dilay in ka badan 200 qof oo ka tirsan Al-shabaab.