Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay weerar Habeen hore ka dhacay degaanka Koban ee Gobolka Jubada hoose.

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in weerarkaasi loo geystay Ciidamo ka tirsan Al-shabab lagana hortagay qorshe weerar ah oo ay damacsanaayeen AL-shabab.

Mareykanku ma sheegin tirada weerarkaasi ee waxyeellada ka gaartay AL-shabaab sidii looga bartay,waxaase ay sheegeen in aysan jirin khasare dad rayid ah soo gaaray.

Qoraalka Mareykanka waxaa lagu sheegay in ay sii wadi doonaan waddo kasta oo habboon oo lagu dhimi karo qatarta Al-shabab.