Dowladda Mareykanka ayaa Xaqiijisay in Ciidamadooda Militariga ah ee ka howlgalka Qaaradda Afrika ay qayb ka ahaayeen Howlgal gaar ah oo ka dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada Dowladda Federaalka ayuu Mareykanka sheegay in ay la sameeyeen Howlgalkaan oo ka dhacay Deegaanka Daaru-salaam oo u dhaw Magaalada Awdheegle.

Si dhab ah uma faah-faahin Mareykanka Waxyeelada ay gaarsiiyeen Al-Shabaab, maadaama ay qayb ka ahaayeen duulaanka.

Mareykanka ayaa intaa ku daray in dhammaan askartii weerarka fulisay in ay ku laabteen goobtii ay ka tageen iyaga oo bad qaba.

Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika ee loosoo gaabiyo AFRICOM ayaa sheegay in howlgalka laga fuliyay Goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay dishay askari Maraykan ah, isla markaana ay iska caabbiyeen weerar uga yimid ciidamo isugu jiray Soomaali iyo Mareykan.

Dowladda Mareykanka ayaa ku hanjabtay in ay sii joogteen doonto weerarada isugu jira Duqeynta iyo kuwa tooska ah oo ay ku garabsiinayaan Ciidamada Soomaalida iyo AMISOM.