Daafaca kooxda Chelsea iyo xulka Spain Marcos Alonso ayaa si cad uga hadlay mustaqbalkiisa kooxda Chelsea xili xidiga lala xiririyay kooxo dhowr ah.

Marcos Alonso ayaa waraysi uu siiyay wargayska AS ku xaqiiijiyay in uu wadahadalo heshiis kordhin ah la furay kooxdiisa chelsea waliba uu doonayo in uu kooxdiisa sii joogo.

27 jirkan ayaa ku gacan seyray suurtagalnimada uu ugu biiri karo kooxaha Real Madrid iyo Barcelona isaga oo shakiga ka saaray mustaqbalkiisa kooxda chelsea.

Alonso oo arintaas ka hadlaya ayaa yiri”Anigu waxaan daganahay kuna faraxsanahay chelsea, xirfadayda kooxduna waxa ay u socotaa si fiican, walina waxa ii harsan laba sano oo heshiiskayga ah.

“Wadahadalada heshiis kordhintayda ayaa maraysa meel horumar leh hadii ay wax walba u dhacaan si fiican waxa aan aaminsanahay in aan heshiis cusub qalinka ku duugi doono ka hor dhamaadka bishan ayuu yiri xidiga oo wareysi bixiyay.