Weeraryahanka Real Madrid Marco Asensio ayaa shaaca ka qaaday inuusan marnaba dooneynin inuu ka tago Bernabeu inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Asensio ayaa dhaliyay 21 gool 95 kulan oo uu u saftay Madrid tan iyo markii uu ka yimid Mallorca oo uu xili hore kaso hayaamay.

22 jirkaan ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Premier League inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga, sida Liverpool iyo Manchester United isagoona ugu damneyn go’aansaday inuu iska sii joogo kooxdiisa Madrid.

Si kastaba ha ahaatee, Asensio ayaa sheegay inuusan marnaba ku fekereynin inuu ka tago Los Blancos ka dib markii uu bandhig wacan kasameeyay kooxda wuxuuna yiri”.

“Weligay ma aanan doonayo  inaan tago Madrid” ayuu Asensio u sheegay suxufiyiinta halkaan waa hoygeyga waana joogi doona waligeey ayuu yiri xidiga.

Asensio ayaa dhaliyay hal gool isla markaana caawiye ka ahaa 4-gool kale kulankii Spain ay 6-0 ku xasuuqday xulka Croatia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here