Booliska Gobolka Bandheera ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Afar qof oo Hub si sharci darro ah u kala gudbinayay.

Isku duwaha amniga Gobolka Soomaalida ee Kenya Maxamed Biriq ayaa sheegay ayaa sheegay in Afar qof oo la tuhmayo in Hubka sharci darrada ah ay kala gudbinayeen gacanta lagu dhigay iyaga iyo Hubkooda.

Waxaa uu Maxamed Biriq sheegay in afarta qof lagu qabtay  saddex Qori iyo 60 xabbo oo rasaas ah,kuwaas oo Ciidamada amaanka Kenya ay Khamiistii ku qabteen Degmada Caalwaaq.

Maxamed waxaa uu sheegay in Ciidanka amaanka ay ka war heleen dadkan markii ay xog ka heleen dadka rayidka ah.

“Ciidamada markii ay jidka u galeen ayey afarta qof rasaas billaaabeen Ciidamada ayaana gacanta ku dhigay,xabsi ayey hadda ku jiraan, maxkamad ayaana la soo taagayaa”. ayuu yiri Maxamed Biriq.

Hubkan ayuu sheegay in ay uga shakisanyihiin in loo waday Al-shabaab ama Kooxaha burcadda ah ee dhaca xoolaha.

Maxamed ayaa sheegay in mid ka mid ah afarta qof uu dhaawac soo gaaray laguna hayo Isbitaalka Degaanka Ceelwaaq,waxaa uu sidoo kale intaas raaciyay in Ciidamada amaanka ee gobolka heegan sare ku jiraan.