Kooxda Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay ku fikireyso u dhaqaaqida ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Barcelona Philippe Coutinho.

Coutinho ayaa xili hore ka tagay kooxda ay xafiiltamaan Man united ee Liverpool 12 bilood ka hor, waxaana ciyaaryahanka reer Brazil uu dhaliyay 15 gool 45 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

kubadsameeyahan ayaa si toos ah ugu mid aheyn salka kowaad ee Barcelona waxaana inta badan laga door bidaa Dambele.

Man United ayaa xirir la sameysan Barcelona waxaana loo sheegay in ay bixiyaan aduum dhan 100 milyan oo ginni hadii ay doonayaan adeega xidigan.

Coutinho ayaa qandaraas muddo dheer ah ku qaadanaya Camp Nou, waxaana ay u badan tahay in 26 jirkaan uu aqbali doono dalabkaan hadii uusan boos joogta ah ka helin kooxdiisa Barcelona.