Kooxda Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay dooneyso saxiixa daafaca Paris Saint-Germain Thomas Meunier.

United ayaa si aad ah loola xiriirinayay inay u dhaqaaqeyso xidiga Crystal Palaces Aaron Wan-Bissaka oo ka mid ah xidigaha aadka looga doon doonayo suuqa kala iibsiga.

Ole Gunnar Solskjaer oo dhawaan si rasmi ah loogu dhiibay shaqada United-ka ayaa qorsheynaya in uu dib u dhis weyn uu ku sameeyo kooxdiisa wuxuuna isha ku hayaa laacibka PSG ee Meunier.

27 jirkaan ayaa PSG kaga soo biiray Club Brugge sannadkii 2016, waxaana u saftay 98 kulan kooxda heysata horyaalka Faransiiska tartamada oo dhan, isagoo dhaliyey 12 gool wuxuuna dhaawiye ka noqday 20 gool.