Kooxda Man United ayaa guul aysan dhib badan ka marin ka gaartay dhigeeda Fulham oo marti ay u ahaayeen.

United ayaa ku bilaabatay ciyaarta qaab weerer ah waxaana u suuragashay in qeybtii hore ee ciyaarta ay la yimaadan 2-gool.

Pogba ayaa daah furay goolasha United daqiiqadii 14aad ee ciyaarta waxaana uu aha gool cajiib ah.

Man united ayaa mar kale la timid goolkedii labaad ee ciyaarta waxaana hogaanka u dheereeyay Anthony Martial daqiiqadii 23aad ee qeybtii hore.

Qeybtii 1aad ee ciyaarta ayaa sidaas lagu kala baxay ciyaarta ayaana ahayd United oo maamuleysa iyo Fulham oo jahada ka qasneyd.

Qeybtii labaad marka lasoo laabtay sidii oo kale ayeey ciyaarta ku bilaabatay Fulham ayaana sameysay fursado dhowr ah.

Man United ayaa ciyaarta natiijadeeda xaqiiqsatay kadib markii goolkii seddexaad uu ciyaarta dhaliyay Paul Pogba daqiiqadii 65aad, waxaana sidaas kusoo dhamaatay ciyaarta oo 3-0 ay guusha ku raacday Man United oo soo fariisatay kaalinta 4aad ee horiyaalka Ingiriiska.