Kooxda Manchester City ayaa ku dhawaaqday inay la soo saxiixatay weeraryahanka da’da yar ee Aussie Daniel Arzani oo kaga soo biiray Melbourne.

19 jirkaan ayaa lagu qiimeeyaa mid ka mid ah xidigaha ugu fiican Australia, waxaana uu noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee abid u matalaya dalkiisa Koobka Adduunka markii uu ku soo muuqday Russia xagaagaan.

Arzani ayaa la rumeysan yahay inuu heshiis la gaaray kooxda City, lakiin waxa la filayaa inuu amaah ugu soo laabto Celtic muddo labo sanno ah si uu u helo khibrad kooxeed.

Brian Marwood, oo ka tirsan kubadda cagta kubada cagta ee City Football Group, ayaa yiri: “Muddo gaaban, Daniel wuxuu horumariyay xifradiisa wuxuuna noqday  xiddigaha ugu da ‘yar ee Australia, waxaana uu muujiyay qaabciyaaredkiisa  iyo tayadiisa ciyaareed.

City ayaa kaliya laso wareegtay hal xidig oo kooxda koowaad ah ilaa iyo haatan waana Riyad Mahrez oo ka yimid Leicester City heshiis dhan 60 milyan oo ginni ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here