Kooxda Man United ayaa ku fikireysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xidiga qadka dhexe uga ciyaara kooxda Tottenham ee Christian Eriksen waxeyna u balan qaadan in todobaadkii jeebka loo galin doono aduun dhan 240k hadii uu aqbalo in uu kooxda kuso biiro.

Laacibka ayaa xiligaan Tottenham ka qaata todobaadkii aduun dhan 80,000k oo kale waxaana macquul ah in julaay uu ku biiro United-ka.

Eriksen ayaa ka mid ah xidigaha aadka looga doon doonayo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda wuxuuna diirada u saaran yahay kooxda Real Madrid ee ka dhisan caasimada Spain.

Wargeyska Dailymail ayaa ku waramaya in United-ka ay wakiilo u dirtay kooxda Tottenham si ay ula kulmaan wakiilada kooxda iyo wakiilka xidiga qadka dhexe ee Christian Eriksen.