Kulankii ugu xiisaha badnaa kulamadii todobaadkan horyaalka Ingriska ayaa xalay dhaxmaray kooxaha aadka isku neceb ee United iyo Arsenal.

Bilowgii hore Wiilasha macalin Mourinho ayaa garoonka lasoo galay cadaasi saarid ay doonayeen iney kubadda kaga xarimaan isla markaana goolka hore ay ku keenaan waxaana shuutkii ugu horeeyey kutuuray Marcos Rashford shabaqa Arsenal balse Waardiyaha Gunners Leno ayaa diiday warkaas.

Intaasi kadib waxaa si tar tiib tartiib ah Arsenal ay kusoo gashay kulanka balse waxbadan masoo daahin goolkii ugu horeeyey ee ciyaarta waxaana uu yimid kadib markii kubad koornaha katimid uumadaxa kudhuftay Mustafi isla markaana uusi fiican uceli waayey waxaase markii ay dhaaftay soo celiyey Hererra balse Gool Tech ayaa diiday warkaas oo gool uxisaabiyey Arsenal.

Waxbadan masoo daahin goolkaasi kadib markii laad xor ah oo loo dhigay uu tuuray Rojo balse waxaa ka bad baadiyey goolhaye Leno balse kubad uu herrera uu geeska kasoo celiyey ayaa dhaliyey Atonia Martial sidaas uga dhigay 1-1.

Wixii intaasi kadambeeyey ciyaarta inkastoo wiilasha Manchester cadaadis saarid layaab leheyd ayla yimaadeen ayaa hadala wiilasha Macalin Uni Emry markooda ay qaadanayeen ciyaarta, waxa uu ahaa mid kulanka jir ahaan & awood leysu isticmaalayey waxaa sidoo akel ku badnaa isku dhaca & calaamadaha huruudka oo qeybtii hore labada kooxba wada daldasheen qeyntii horena gool & gool aya alagu kala tagay iyadoo wiilasha Mourinho iyadoo aysoo bandhigeen qeyntii hore ciyaar aan loo fileynin maadaama United xaalad adag mareyso isla markaana Arsenal meeshii ugu fiicneed ay taagantahay sanado badan kadib.

Markii laga soo laabtay waxaa halkeeda kasoo socday ciyaartii xiisaha laheyd waxaa lasoo geliyey Makhiterian oo lagu badalay Ramsey kadib markii uu dhaawacmay , waxaana ciyaartu ay aheyd aad uxiiso badneyd, waxaana arsenal ay markale ayku day iney ciyaarta hogaanka uqabato balse Wiilasha Mourinho ayaaba furi gaaray qeybtii dambe kadib uu kubad uu soo laaday Rashford balse waa laga bixi kubadaasi, sidoo kale waxaa jirtay kubad uula orday Abammiyoung balse waa labixiyey.

Daqiiqadii 68 aad waxaa yimid goolkii 2aad ee Arsenal kadib markii qalad fadeexad uu galay balse waxaa ka dhaliyey Lagacezete sidaasna waxey ku noqotay 2-1, balse mucjiada ayaa aheyd kadib markii goolkaasilahaayeen kaliya hal daqiiqo waxaase gool layaab leh oo isagu difaacyada & goolhayaha dhexdooda dhaliyey Lingard oo isagu ciyaarta daqiiqad kadib 2-2 kadhigay sidaa ayeeyna kuso dhamaatay kulankii adkaa.