Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/Raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa isku shaandheyn iyo xilka qaadis ku sameeyay qaar ka mid ah Guddoomiyayaashii  Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyayaasha qaar ayaa la beddelay halka kuwo kale loo wareejiyay degmooyin kale ama degmooyinka look ala beddelay.

Tusaale Degmada Dharkenley waxaa laga qaaday C/Raxmaan Sayid Cali,waxaana loo wareejiyay Degmada Shibis, halka degmada Dharkenley loo magacaabay Abuukar Axmed oo ay isku heyb yihiin Guddoomiyihii hore ee Shibbis Safiya Xasan Cali.

Degmada Wadajir waxaa lo magacaabay  C/Raxmaan Cali, halka   Sabaax Cabdullahi Asad,waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Degmada C/Casiis.

Degmada Kaaraan ayaa loo magacaabay Guddoomiye cusub waxaana lagu magacaabaa Abshir Kaaraan,horay waxaa uu u ahaa Guddoomiye ku xigeenka amniga ee degmadaas.

Dhinaca kale waxaa xilka laga qaaday Guddoomiyihii Degmada Howlwadaag C/Kariin Cali Kaar, hayeeshee lama helin cidda lagu beddelay.