Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa kulamo isdaba joog ah kawada Magaalada Gaalkacyo, waxa uu qaabilay xubno kala duwan oo u badan qaybaha bulshada ee Magaalada.

Madaxweyne Xaaf  ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddiga Nabadeynta Magaalada Gaalkacyo, Saraakiisha Ciidamada isku dhafka ah ee ka kala socda Galmudug iyo Puntland, Ganacsatada, iyo qaybaha dhaqanka.

Image may contain: 5 people, people sitting
Kulanka uu Madaxweyne Xaaf la qaatay bulshada Gaalkacyo

Waxa uu ka xog dhageystay Guddiga Nabadeenta Magaalada Galkacyo iyo Maamulka Degmada halka ay wax u marayaan iyo caqadaha ku hor gudban.

Image may contain: 1 person
Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha Galmudug.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug  Cabdirashiid Xaashi Cartan ayaa u hadlay Guddiga Nabadeynta Gaalkacyo ayaa Madaxweyne Xaaf u sheegay in Guullo amni iyo is dhexgalka Bulshada Waqooyiga iyo Koofurta Gaalkacyo ay sameeyeen.

Image may contain: 6 people, people sitting
Masuuliyiinta kulanka ka qeyb gashey.

Sidoo kale waxa ay u sheegay in dhowaan ay bilaabayaan qaadista Canshuurta oo shir ka dhacay Magaalada Gaalkacyo la isku fahmin qaadista canshuurta.