Magaalada Cadaado Waxaa Saacado is xig-xigay gaaray Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi oo ka tagay Magaalada Caabudwaaq iyo Gudoomiyaha Baaralmaanka Cali Gacal Casir oo isna ka tagay Magaalada Muqdisho.

Xildhibaano katirsan Galmudug oo ku sugan Magaada Cadaado ayaa Mustaqbal u sheegay in ay kulan yeelanayaan Carabey iyo Casir, si ay ugu hadlaan Dhaq-dhaqaaqa siyaasadeed ee Dhuusamareeb ka socda.

Waxayna Wararku sheegayaan in Magaalada Cadaado uu ka socda Abaabulka Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Si lamid ah Magaalada Dhuusamareeb Xildhibaanada Galmudug ee maalin kahor Xil ka qaadista ku sameeyay Cali Gacal waxa ay wadaan Mooshin ay Kalsoonida ugula laabanayaan Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi.

Qorshaha labada dhinac ayaa ah Kulamo berri ay yeelanayaan labada fadhi ee Baarlamaan in dhanba dhanka kale uu kala hormaro Mooshinka sida labada dhinac warar aynu ka helnay ay sheegayaan.