Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo maanta ku guuleystay Doorashooyin waqtiyo is xig-xigay maanta ka dhacday Magaalada Garoowe.

“Waxaan Madaxweynaha cusub ee Puntland Mudane Siciid Deni iyo K/xigeenkiisa Mudane Axmed Karaash ugu hambalyeynayaa xilalka loo doortay, anigoo xasuusinaya yididdiilada bulshada Puntland ee ku aaddan in ay deegaannadaas u horseedaan amni, caddaalad iyo horumar.”

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey musharraxiintii xilka madaxtinnimo, Guddiga Doorashada iyo Golaha Wakiillada Puntland dadaalkii ay geliyeen sidii loo sii adkeyn lahaa dimuqraadiyadda qaan-gaarka ah ee ka jirta Puntland.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyay shacabka iyo maamulka Puntland isbeddel miro-dhal ah oo horseeda xasillooni buuxda iyo horumar ay si wadajir ah ugu tallaabsadaan bulshada iyo dhammaan deegaannada Dowladda Goboleedka Puntland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Alle uga baryay Madaxweynaha cusub ee Puntland iyo Ku Xigeenkiisa in ay ku guuleystaan gudashada waajibaadka culus ee loo igmaday.

Waxaa la wada dhowrayaa isbadalka uu la yimaado Madaxweynaha cusub ee Puntland, maadaama Madaxweynihii xilkaan kaga horeeyay ee Cabdiwali Gaas uu xumaa Xiriirka Dowladda Federaalka.