Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka qayb galay xiritaanka Shir Sanadeedka Garsoorka Soomaaliya oo shalay ka furmay Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo Munaasabada hadal ka jeediyey ayaa sheegay in Dowladda Federaalku ay qaadday tallaabooyin muhiim u ah dhismaha garsoor hufan, madaxbannaan oo lagu kalsoon yahay, welina ay waddo dadaallada dib loogu habaynayo hannaanka garsoor ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in shaqada ugu weyn ee hadda hortaalla Dowladda ay tahay dhismaha Guddiga Adeegga Garsoorka oo lagama maarmaan u ah helidda garsoorayaal leh khibrad iyo daacadnimo ay si habsami leh ugu gutaan shaqadooda, waxa uuna sheegay in sanadkan gudihiisa Golaha Shacabka la horgayn doono Sharciga Dhismaha Guddigaas.

Image may contain: 10 people, people sitting
Madaxweynaha oo shirka ka qeyb galaayay

“Caddaaladdu ma dhammeystirna inta Guddiga Adeegga Garsoorka laga dhisayo. Waxaan rajeyneynaa in sanadkan aan hawlgalinno oo aan Golaha Shacabka horgeyno, iyaguna ay noqdaan dad wanaagsan oo sharafta dalkooda ilaaliya.” Ayuu yiri Madaweyne Farmaajo.

Image may contain: one or more people, people sitting and table
Masuuliyiintii ka qeyb gashey shirkaan

Madaxweynuhu waxa uu garsoorayaasha kula dardaarmay inay ku dadaalaan sugidda caddaaladda oo ay ka fogaadaan garab-siinta qofka dulmiga wada iyaga oo shilimaad ka raadinaya, waxuuna balan qaaday in uu si dhaw ula shaqeynayo garsoorka dalka.

Madaxweye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa is badalo ku sameeyay Hay’addaha garsoorka Dowlada bartamihii sanadkii tagay ee 2018 waxa uuna sheegay in hormarin lagu samaynayo Garsoorka iyo Cadaalada dalka.

Image may contain: 3 people, people standing and suit
Madaxweynaha Jamhuuriyada Faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaayo.