Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in berri oo Jimco ah u ambabaxo magaalada Gondar, gobolka Baxar-daar ee dalka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa halkaasi kaga qayb geli doona shir Saddex geesood ah oo uu halkaasi kula yeelanayo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eretrea Isaias Afwerki.

Agaasimaha xafiiska warfaafinta iyo xiriirka warbaahinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Abdinur Maxamed Axmed ayaa bartiisa Twitter-ka ku xaqiijiyay in Madaxweynaha berri uu safar u yahay Itoobiya.

Kulankan ayaa waxa uu isku xirayaa natiijooyinkii ka soo baxay heshiiska shirkii isdhexgalka dhaqaalaha ee ay waddamada gobolka ku yeesheen magaalada Asmara ee dalka Eretrea Laba bil ka hor.

Somaliya ayaa doonaysa inay kaalin weyn ka qaadato isdhexgalka dhaqaale iyo bulsho ee Geeska Afrika, si loo dardar geliyo ganacsiga iyo maalgashiga, loona kobciyo isku xirnaanta bulshada iyo dhaqaalaha Geeska.