Sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen Mustaqbal, waxaa maanta Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Itoobiya ku kulmaya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland.

Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi  waxaa casuumaad Rasmi ah u fidiyey Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiye Ahmed.

Waxaa la filayaa in ay si toos ah u wada fadhiistaan oo ay ug wadahadlaan, si ay u diyaariyaan  kulan guud oo kan ka ballaaran.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa kulamo gaargaar ah layeelanaya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland Sarreeye Gaas Muuse Biixi Cabdi.

Isbadalka Geeska Afrika oo loo arko in uu hormuud u yahay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiye Ahmed ayaa Meesha ka saaray colaad muddo soo jiitameysay oo ka dhaxeysay taas oo u dhexeysay Ereteriya iyo itoobiya.

Waxa uu ku guuleystay in uu soo afjaro Colaad Dalkiisa kala dhaxeysay  Eretareeya oo ka go’aday Itoobiya sanadkii 1993.

Abiy ayaa qayb kanoqday isusoo dhawaanshaha Jabuuti iyo Eretareeya oo isku haya muran dhinaca xadka ah, sidaas oo kalana waxa uu horseeday heshiis dhexmaray xukuumaddiisa iyo Jabhadihii kasoo horjeeday guud ahaan Itoobiya sida Jabhadda xoreynta Ogaadeeniya (ONLF)

Dowladaha Yurub ee daneeya Arrimaha Soomaaliya ayaa isha ku haya sidii dib loogu bilaabi lahaa wadahadaladii qabyada ahaa ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland oo sheegay in uu ka go’ay Soomaaliya 1991 inkasta oo uusan helin aqoonsi caalami ah.