Madaxweynaha Dalka Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un ayaa booqasho aan la sii sheegin ku tagay dalka China halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha China.

Kim,dhawaan ayuu sheegay in uu raadinayo beddel kale haddii Mareykanka siiw ada cunaqabateynta saaran dalkiisa.

Waxaa kale oo uu soo jeediyay in sanadkka 2019 uu noqdo sanadkii ay dib u heshiin lahaayeen labada Kuuriya islamarkaana Ciidamada sohdinta ee 50kii sano ee la soo dhaafay is horfdhiyay loo kala qaadi lahaa loona abuuri lahaa jawi nabadeed oo ay dib ugu midoobaan qoysaskii ku kala irdhoobay colaaddii 1953dii dhamaatay.

Madwxeynaha Xi Jinping, oo casuumaad u fidiyay mr Kim, ayaa in ay ka wada hadli doonaan xiriirka Ganacsi iyo diblomaasiyadeed ee abada dal.

8january oo maanta ah waa dhalashada 35aad ee Madaxweyne Kim,waxaana munaasibadda dhalashadiisa loogu qabanayaa Madaxtooyada Beinjing.