Madaxweynaha Dalka Suudaan Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir ayaa si rasmi ah isu casilay kaddib banaanbax shan habeen oo xiriir ah ka socday Iridda Madaxtooyada dalkaas iyo mid guud oo dalkaas ka socday dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.

Ka hor inta uusan is casilin,dadweynaha oo ku sugan xarunta Milatariga Suudaan.

Madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir ayaa lagu hayaa Xabsi Guri ay leeyihiin Ciidamada sirdoonka dalka Suudaan.

Waxaa kale oo la xiray Ra’isalwasaarihii dalkaas Bakri Axmed Saalax iyo Madaxweyne ku xigeenkii hore Cali Cismaan Dhaha iyo xubno kale.

Milatariga ayaa magacaabay Gole kooban oo dalka sii maamulaya,waxaana hoggaamiye looga dhigay Cawad Ibnu Cowd.

Dadka Reer Suudaan oo buuxiyay Waddooyinka Khartuum.

Milatariga Suudaan ayaa saaka waxaa ay la wareegeen TV-ga iyo Raadiyadaha Dowladda,waxaana ay joojiyeen dhamaan Barnaamijyadii maalin laha ahaa iyaga oo ku beddelay Muusigga Heesaha Ciidanka.

Dadka Suudaan oo aad u faraxsan ayaa saaka ku damaashaadaya Waddooyinka Waaweyn ee Khartuum oo bilihii la soo dhaafay ay ku banaanbaxayeen.

Dadka Reer Suudaan oo ku faraxsan is casilaadda Al-Bashiir.

Madaxweynaha Suudaan ayaa talada dalkaas la wareegay sanadkii 1986dii,waxaana dalkaasi bilihii la soo dhaafay ka dhacayay dibadbaxyo ka dhashay Cuntada oo sare u kacday.