Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti safiirro ah oo ka socda dalalka Denmark, Switzerland, Finland, Norway, Sweden, Uk iyo Safiirka Midawga Yurub.

Kulankan oo ka qabsoomay Xarunta Madaxtooyada Somaliland, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil, waxana lagaga wada hadlay arrimo dhowr ah oo salka ku haya xoojinta xiriirka labada dhinac.

Image may contain: 12 people, people smiling, people standing and suit
Safiirada ka Socday Beesha Caalamka ee Hargeysa Tagay maanta iyaga oo lakulmay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Maxamuud Yaasiin Xiir (Faratoon) oo markii kulankaasi soo dhammaaday saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay inuu kulankaasi ahaa mid is fahan iyo afkaar isweydaarsi salka ku hayey, dhammaanba wixii la isla soo qaadayna meel fiican la isla dhigay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya waxa uu yiri, “Weftigu waxa ay u yimaaddeen inaannu is weydaarsanno afkaar ku saabsan arrimaha badan ee mandaqadda ka jira iyo xidhiidhka Somaliland iyo dalalkaasi ay leeyihiin sidii hore loogu marin lahaa, la isu xog-ogaalsan lahaa, la isuna dhaafsan lahaa wixii macluumaad ah iyo wixii afkaar ah ee loo baahan yahay in laga wada-hadlo, haddii ay siyaasad tahay, haddii ay dhaqaale tahay, haddii ay gargaar tahay iyo haddii ay nabadgelyo tahayba, dhinac walba waa laga wada-hadlay si wanaagsanna waa la isugu afgartay dhammaan arrimihii laga wada hadlay.”

Image may contain: 2 people, people sitting, table and indoor
Safiirada Madaxweynaha kulan la qaatay in ay joogeen Hargaysa.

Ambassador mette Knudsen oo ah safiirka waddanka Denmark oo iyaduna halkaas hadal ka jeedisay, ayaa hoosta ka xarriiqday inay wefti ahaan kulan midho dhalay la yeesheen madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, iyada oo tilmaantay inay madaxweynaha kala hadleen muhiimadda ay leedahay ilaalinta sumcadda ay Somaliland ku leedahay dunida ee dhinaca doorashooyinka iyo Dimuqraaddiyadda, islamarkaana uu madaxweynuhu u muujiyey sida ay uga go’an tahay inay doorashooyinku ku qabsoomaan waqtigooda.

Image may contain: 2 people, people sitting, table and indoor
Masuuliyiinta ka socotay Safaaradaha Caalamka ee Hargeyso gaaray Maanta.

Kulankan waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Yaasiin Maxamuud Xiir, arrimaha gudaha, Maxamed Kaahin Axmed, Horumarinta Maaliyadda, Sacada Cali Shire,wasiirka Qorshaynta iyo horumarinta q Somaliland, Cawaale Ibraahim Shirwac.

Image may contain: 8 people, people standing and indoor
Markii Kulanku soo dhamaaday Kadib .

Dhinaca Xubnaha weftigu waxay kala ahaayeen: Safiirka Denmark, Amb. Mette Knudsen, Safiirka Midawga Yurub Pencho Garrido Ruiz, Safiirka dalka Ingiriiska Amb. Ben Fender, Safiirka Dalka Sweden, Amb. Andreas Von Uexkull, , safiirka Dalka Norway, Amb. Elin Bergithe Rognilie oo ay wehelinayeen masuuliyiin ka socday safaaradaha dalalkaas iyo madax sare oo iyagu ka socday dalalka Finland iyo Switzerland.

Image may contain: 4 people, people smiling, suit
Safiirada ka socday Wadamada Caalamka oo salaamaya Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.