Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan dalka Istaga Imaaraadka Carabta ayaa kulan la qaatay madaxda shirkadda DP-World oo uu hogaaminayey maamulaha shirkada Sultan Ahmed Bin Sulayem.

Madaxweynaha ayaa waxaa kulanka ku wehelinaayey Wasiiro ka tirsan Xukumada Maamulka Puntland  oo ay ka mid yihiin Wasiirada Dekedaha ,Ganacsiga, Duulista Hawada iyo Saraakiil saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Maamulka Puntland.

Image may contain: 2 people, people sitting, table and indoor
Kulanka Madaxweyne Deni iyo Madaxa Shirkada DP World.

Kulankan ayaa waxaa looga wada hadlay dhismaha iyo balaarinta dekedda Magaalada Boosaaso, dar-dargelinta hawlaha shaqo ee dekedda iyo ka mira dhallinta heshiiska ay Punland la gashey Dp World.

Shirkadda DP-World ayaa balanqaaday in ay dedejindoonto dhammaan hawla la xiriira dhismaha iyo balaarinta dekedda Boosaaso, isla’markaana ay ilaalinayaan hishiisyada iyo wax-walboo ku saabsan mashruucaas balaarinta ee lagu horumarinaayo xiriirka ganacsi iyo siyaasadeed iyo kan soo jireenka ah ee Puntland iyo Imaaraadka” Ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay barta warfaafinta Madaxtooyada Puntland.

Image may contain: 6 people, people smiling, people standing and suit
Madaxweynaha Puntland Deni,Wasiiro ka tirsan Xukumadiisa iyo maamulaha shirkada Sultan Ahmed Bin Sulayem.

Dhinaca kale Wasiirka Dekedaha Puntland Maxamed Cabdi Cismaan ayaa kulankan kadib la qaatay kulamo muhiima masuuliyiinta kale ee Shirkadda DP-World, kuwaasi oo salka kuhaya dar-dargelinta dhammaystirka mashruuca dhismaha iyo balaadhinta dekedda magaalada Boosaaso.

Image may contain: 3 people, people standing
Masuuliyiinta wasaarada Ganacsiga Imaaraadka Carabta iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale kulan la qaatay masuulyiin ka tirsan Wasaaradda Ganacsiga dalka Imaaraadka, iyaga oo ka wadahadlay dib u yagleelidda ganacsiga xoolaha nool, waxaana la is gartay in sida ugu dhakhsiyaha badan dib loogu bilaabo dhoofka xoolaha, waxaana uu kulankaasi kusoo dhammaaday guul, sida lagu sheegay qoraalka Madaxtooyada Puntland.

Image may contain: 2 people, people smiling, people standing and suit
Madaxweynaha Maamulka Puntland Deni iyo Maamulaha Shirkad DP World.