Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa amar ku siiyay Ciidamada Puntland in ay howlgal culus ka billaabaan Magaalada Boosaaso.

Ciidamada howlgalka amniga la xiriira ka fulinaya waxaa hoggaaminaya Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Jeneraal Muxiyaddiin Axmed Muuse.

Jeneraalka iyo Ciidan uu wato ayaa shalay gelinkii dambe gaaray Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari,waxaana ay dhawaan billaabayaan howlgal lagu sheegay in lagu xaqiijinayo amniga Magaalada Boosaaso.

Go’aankan ayaa ka dhashay dilka dhawaan Magaalada Boosaaso loogu geystay Madaxii Maareeyihii Sharikadda DPWorld ee Dekadda Boosaaso,kaas oo u dhashay dalka Malta.

Dilka Ninkaas waxaa mas’uuliyaddiisa sheegatay Xarakada AL-shabaab oo ku eedeysay in uu ka mid yahay shaqsiyaadka Ajannabiga ah ee sida sharci darrada ah uga shaqeysanaya Soomaaliya.

Madaxweyne Deni,ayaa dilka ninkaas ku sheegay in uu yahay mid aysan kaliya fulinin argagixiso gudaha ah,waxaana uu sheegay in dilkaasi ay ka dambeeyaan gacmo Soomaali dhaafsiisan.