Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, Isagoo ku yimid booqasho qaadaneysa labba maalin.

Lafta Gareen, waxaa garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo u badnaa xubno ay soo wada shaqeeyeen intii uu ahaa Xildhibaan katirsan golaha Shacabka iyo Wasiirkii Tamarta Xukuumada Ra’iisul Wasaare Khayre.

“Waxaan Nabad kusoo gaaray magaalada Muqdisho halkaas oo aan ku sugnaan doono laba maalin. Waxaan kullamo la qaadan doonaa madaxda dowladda iyo waxgaradka kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed oo aan uga warbixin doono xaaladda deegaanada KG” ayuu yiri Madaxweynaha.

Waa markii u horeysay oo uu soo gaaro magaalada Muqdisho wixii ka danbeeyay markii loo doortay Xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed 19-kii bishii December sanadkii hore ee 2018.

Doorashadaas oo ay ka dhalatay rabshado, waxaa ku naf waayay 15 qof oo uu ku jiray Xildhibaan katirsan baarlamaanka Koofur Galbeed, waxaana rabshadaha ay daba socdeen xariga Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur oo musharax Madaxweyne ahaa.

Image may contain: 5 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: 3 people, people smiling, people standing and beardImage may contain: 6 people, people smiling, people standingImage may contain: one or more people and people standing