Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay Taliska ciidanka AMISOM qaybta 2-aad ee ka howlgasha Gobolada Jubbaland.

Waxyaabaha ay ka wada hadleen Madaxweynaha iyo saraakiisha AMISOM waxaa kamid ah xoojinta wada shaqaynta Jubbaland iyo AMISOM iyo is waydaarsiga Xogta Dagaalka ay ku goodiyeen in ay qaadayaan.

Sidoo kale waxa Saraakiisha AMISOM waxa uu Madaxweynaha Jubbaland ka dalbaday in Xero Ciidan oo askar cusub lagu tababaro ay ka furaan Degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose.

Taliska ciidanka AMISOM qaybta 2-aad ayaa isku diyaarinaya guluf dagaal oo ay ku qaadaan Deegaanada Jubbaland ay kaga sugan yihiin Al-Shabaab.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in Afmadow uu u tagay sidii dagaal ugu hoggaamin lahaa Deegaanada ka maqan Maamulkiisa.

Madaxweynaha Jubbaland iyo Saraakiisha qaybta labaad ee AMISOM.
Madaxweynaha Jubbaland iyo Saraakiisha qaybta labaad ee AMISOM.

Image may contain: 4 people, people smiling, people sitting, table and outdoor