Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in ay maanta soo gaaraan Magaalada Muqdisho.

Wafdiga madaxweynaha Jabuuti ee ku soo wajahan Magaalada Muqdisho ayaa la kulmaya madaxda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Waddooyinka ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho  ayaa maanta u xiran imaanshaha wafdiga Madaxweyne Geelle.

Inta badan booqashada Madaxeynaha Jabuuti ayaa laga war helay shalay gelinkii dambe ilaa xalay markii Ciidamada amaanka ay waddooyinka xiranyeen.