Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka soo degay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ismaaciil Cumar Geelle.

Wafdiga Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde ku qaabilay Madaxwynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Labada Madaxweyne oo u sacbinaya Dadweyne soo dhaweeyay.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa booqasho labo maalmood ah ku jooga Muqdisho,waxaana Madaxtoooyada Soomaaliya ay sheegtay in ay ka wada hadli doonaan xiriirka labada dal, dhaqaalaha, Amaanka iyo Ganacsiga.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Geelle oo ku sii socda qeybta VIP-da kana soo degay diyaaradda.

Safarka Madaxweyne Geelle ayaa la sheegay in uu la xiriiro xarig jarka Safaaradda Dalka Jabuuti ee Muqdisho oo dib u dhis lagu sameeyay.

Xasan Aadan Samatar, Axmed Cali Cigaal iyo sawir qaade Cali Cabdi Ducaale. oo sawirka qaaday.

Wafdiga Madaxweynaha Jabuuti,waxaa la socday Fanaaniinta kala ah Xasan Aadan Samatar iyo Axmed Cali Cigaal oo ka mid ahaa Kooxdii Waabari.