Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta kormaaray askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo tababar Layli Sarkaal ah ku qaadanaya Dugsiga Tababarka Militariga Kabamba ee dalka Uganda.

Saraakiishan uu tababarku uga socdo Xerada Kabamba oo ku taalla bartamaha Uganda, waxaana lagu tababarayaa ku dhawaad 100 askari.

Bartamaha sanadkaan 2019 ayaa la filayaa in ay dhameystaan tababarka, kadibna ay dib ugu soo laabtaan Soomaaliya, si ay qayb ugu noqdaan Dhismaha iyo Tababarka Ciidamada Xoogga Dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhiirrigeliyay saraakiishan, isaga oo sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad weyn siineyso sidii saraakiishan iyo kuwa lamidka ah ee tababarrada ku maqan ay uga qayb qaadan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero Argagixisada.

Saraakisha ayaa dhankooda oo hadlay waxa ay u mahadceliyeen Madaxweynaha Dowladda Federalka mudnaanta uu siiyay in uu arko tababarka ay qadanayaan iyo Xaaladda ay ku sugan yihiin.

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qaybgalaya Shirka looga hadlayo Isdhexgalka Dadka Afrika oo ka socda Magaalada Kampala ee Caasimadda Uganda.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo xubnihii la socday ayaa ee tagay Dugsiga Tababarka Militariga ee Kabamba ayaa dib ugu laabtay Magaalada Kampala oo ay kasoo safreen kolkoodii hore.

Madaxweyne Farmaajo oo kasoo degaya Diyaarad Militari oo geysatay Dugsiga tababarka Ciidanka ee Kabamba.
Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa Xerada la tagay.
Madaxweynaha Soomaaliya oo u taagan salaanta saraakiisha tababarka u socda.
Madaxweyne Farmaajo oo hortaagan Ciidamada Uganda ee xerada Kabamba ku sugan.
Sawirka guud Madaxweynaha Soomaaliya, Wafdigii la socday, Saraakiisha Uganda iyo Saraakiisha Tababarka u xareysan.
Ciidamada Uganda ee Xeraa Kabamba ku xareysan.
Saraakiisha Soomaalida ee Kabamba tababarka ku qaadanaya.
Askarta Leyliga ciidan ku qaadanaya Uganda.
Madaxweyne Farmaajo oo hortaagan Askarta tababaranaya.
Madaxweynaha DFS oo Salaanta ka qaadanaya Ciidankii uu ugu tagay Xerada Kabamba ee Uganda.