Magaalada Garoowe ee Xarunta maamulka Puntland waxaa maanta Kulan ku yeeshey Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynihii hore ee Maamulkaasi Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Kulanka labada Madaxweyne waxaa ku wehlinaayey Axmed Cali Cismaan Karaash oo isna shalay loo doortay Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntand,Kulankaan oo ahaa kii ugu horeeyey oo ay yeesheen ka dib doorashadii Madaxweynaha cusub ee Puntland.

Madaxweyne Deni iyo madaxweyne Gaas.

Kulanka ayaa ka dhacey Xarunta Madaxtooyada Magaalada Garoowe oo ay booqdeen Madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa,Waxaana dibad joog ka ahaa Saxaafada in tuu socday kulankaan.

Kulanka labada Madaxweyne.

Madaxweynaha Cusub ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulamo laqaaday Saraakiisha Ciidamada Puntland,wafdi ka socday Dowlada Faderaalka Soomaaliya,iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Puntland.