Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni, ayaa markii u horeysay bixiyay Wareysi, kaidb doorashadiisa, Isagoo uga hadlay khilaafka Dowladda iyo Puntland, Dagaalka Somaliland iyo Puntland iyo dagaalka Daacish.

Madaxweyne Deni, ayaa sheegay inuu ka shaqeynayo geedi socodka Dowlad Somaliyed oo sal adag ku fadhisa, Waxa uu meesha ka saaray iney jirto Khilaaf u dhexeeya  Dowladda Dhexe iyo Puntland, dadka is khilaafsan ayuu tilmaamay iney yihiin madaxda qaar.

Siciid C/llaahi Deni, Madaxweynaha Puntland, ayaa dhinaca kale soo hadal qaaday arinta Golaha Iskaashiga maamul Goboleedyada ee lagu dhisay magaalada Kismaayo, Maamulkiisa ayuu tilmaamay inuu qeyb ka sii ahaanayo Golahan oo aaney ka baxeyn.

Waxa uu Somaliland ku eedeeyay iney duulaan Qawan ku soo qaaday deegaano ay maamusho Puntland, Wuxuuna tilmaamay iney jiri doonto cid wax ka qbaato dhibaatooyinka uga imanaya dhinaca Somaliland.

Madaxweyne Deni, ayaa dhinaca kale wareysiga uu siiyay Bbc-da ku soo qaaday doorasho Qof iyo Cod ah iney ka dhici karto Puntland marka la gaaro 2024, Sanadan ayuu tilmaamay iney bilaabayaan sidii dadka gobolada ay u soo dooran lahaayeen kuwa iyaga maamulaya.

Halkan Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Puntland:

      MD DENI