DHismayaal ganacsi iyo kuwo deegaan oo ku waxyeeloobay Qaraxa, Sawirka: Mustaqbal

Madaxweynayaasha Mamaul Goboleedyada Puntland, Jubbaland, Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hir-Shabeelle ayaa Cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ay ku qaadeen Dhismo isugu jiro Ganacsi iyo Hoteelo.

Warsaxaafadeedyo kasoo kala baxay Madaxtooyada Shantaan Maamul Goboleed ayaa tacsiyeen kadib, waxa ay Dowladda Federaalka ugu baaqeen in ay qaaddo howlgalo amniga lagu sugayo.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa tacsiyeen kadib waxa uu cambaareeyay Weerarka, isaga oo shacabka iyo Dowladda Federaalka ka dalbaday in ay kawada shaqeeyaan kahor tagga Weeraradaan oo kale.

 

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

https://scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/

 

 

Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen.

“Waxa aan Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa ay gacmaha is qabsadaan wakhtigan adag oo ay garab istaagan dadka uu dhibku gaaray oo ay la qaybsadaan xaalada ay ku sugan yihiin, waana in la isku duubnaadaa si looga adkaado Kooxaha Argagixisada” ayuu yir Madaxweyne Lafta Gareen.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

“Waxa aan alle ugu baryayaa dadkii ku dhintay in uu u naxariisto, kuwa ku dhaawacmay weerarka argagixisada waxa aan alle ugu baryayaa in uu caafimaad deg deg ah siiyo” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.