Iyada oo ay soo badanayaan Gaadiidka dhuxusha wada ee ay Al-shabaab ku gubayaan Gobolka Shabeellaha hoose ayaa maamulka Gobolkaasi ka hadlayaa sababta arrintan ku riixeysa.

C/Fitaax Xaaji Cabdulle waa Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in sababtu tahay in Al-shabaab ay diiddanyihiin in la jaro dhirtii ay uga gamban lahaayeen diyaaradaha duqeynaya.

Al-shabaab ayaa shalay gelinkii dambe degaanka Xaawo Cabdi ku dilay saddex qof kuna gubay Labo Gaari oo dhuxul waday.

C/Fitaax waxaa uu Idaacadda Mustaqbal u sheegay in Gaadiidkaas oo gaarayay 11 Gaari ay ka soo galbiyeen degaanka Doonka ee Duleedka Afgooye markii ay geeyeen Xaawo Cabdina ay ka laabteen iyaga oo sida uu sheegay islahaa Muqdisho ayey nabad ku tagayaan laakiin ay AL-shabaab dhexda u gashay sidaasna ku gubtay.

Todobaad ka hor AL-shabaab ayaa degaanka Doonka ee Duleedka Afgooye ku gubtay 7 Gaari oo dhuxul u waday Muqdisho,waxaana shalay ku xigtay labo kale oo iyana ay ku gubtay duleedka Muqdisho.