Maamulka Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa ka hadlay duqeyn xalay ka dhacday degaanka Baacyar oo 25KM dhinaca Koofureed uga beegan Magaalada Beledweyne.

Guddoomiyaha Magaalada Beledweyne Maxamed Axmed Food-cadde ayaa sheegay in duqeynta lala beegsaday saldhig ay AL-shabaab ku lahaayeen degaankas.

Food-cadde oo sheegay in ay la hadleen dadka degaanka ayaa sheegay in la beegsaday saldhigga Al-shabab ee degaankaas.

Guddoomiye Food-cadde ayaa intaas ku daray in maamulkooda uusan ogayn cidda iska leh diyaaradaha duqeynta ka geystay Gobolka Hiiraan.

Waxaa kale oo uu sheegay in ay baaitaan ku hayaan khasaaraha ka dhashay weerarka iyo sida ay halkaas wax uga dhaceen.

Sanadkan iyo kii ka horreeyay waxaa sare u kacay qeerarrada Mareykanka ee ka dhanka ah Al-shabab,waxaana sanadkii la soo dhaafay kaliya ay Mareykanka ka geysteen Soomaaliya 47 weerar oo dhinaca cirka ah.