Jaamac Cabdullaahi Ugaas Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee Gobolka Jubada Hoose oo aqriyay amar kasoo baxay Maamulka Gobolka ayaa sheegay in laga bilaabo bishaan Febaraayo in fursat saddex bil ah ay heystaan dadka Xoolaha ku dhex heysta Magaalada Kismaayo.

Sababta amarkaan keentay ayuu ku sheegay kadib markii ay horseedeen nadaafad darrada Magaalada Kismaayo iyo Shilalka Gaadiidka.

Si gaar ah waxa uu tilmaamay in Ariga iyo Lo’da ay u badan yihiin shilalka ka dhaca Magaalada, iyaga oo fadhiista Bartamaha Waddooyinka.

Waa uu sii hadlay Jaamac Cabdullaahi Ugaas Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee Gobolka Jubada Hoose in marar badan ay gaartay dacwad ay qabaan dadka Xoolaha leh oo sheegaya in gawaarida ay ka dileen.

Milkiilayaasha Xoolaha ayuu u jeediyay in ay xoolahooda ku dhex heystaan Guryahooda, halkaana ay ku quudiyaan ama ay geeyaan Miyiga.

Goobaha dacwooyinka Magaalada Kismaayo waxaa maalmihii lasoo dhaafay buux dhaafiyay kiis dacweedyada dadka Xoolaha leh oo ay ka dacwoonayaan Wadayaasha Gawaarida jiirta Xoolahooda.