Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Shiikh Maxamed Kenyawi oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed ka dalbaday in uu dib u dhigo Muxaarado cinwaankeedu ahaa “Walaal Cafi Walaalkaa”.

Ujeedka waxa uu Maamulka Gobolka Banaadir ku sheegay in Goobta lagu qaban lahaa iyo dadka tagay ay kala bateen, isla markaana aan deeqeen Hoolka in ay galaan tirada Xaadirtay.

Gudoddoomiye ku xigeenka Dhinaca Amniga ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in ay soo diyaarin doonaan Goob ka baaxad weyn Hoolkii maanta si ay ugu qayb galaan tiro dad ah.

“Dadweynaha kasoo qeybgalay muxaadarada Sheikh Kenyaawi waxaan u sheegaynaa in goobta muxaadarada loogu talgalay inay ka dhacdo iyo tirada dadka raba muxaadarada inay is qaadi waysay sidaas daraadeed anaggoo oo fiirinayna Amniga iyo nabadgalyada dadkaas waxaan Sheikha ka codsanay in la baajiyo muxaadarada iyo inaan goob ka weyn Hoolka Sahal aan ugu qaban doono shacabka Muxadaradiisa jecel.

Sawirro laga soo qaaday Goobta Shiikh Kenyaawi Muxaarada ku qaban lahaa Maanta waxaa ka muuqday Haween ku dhaawacmay Rasaas lagu kala ceyrinayay Dadkii buux dhaafiyay Afaafka hore ee Hoolka Sahal.

Inta la xaqiijiyay saddex qof ayaa ku dhaawacmay rasaastaas lagu kala ceyrinayay, waxaana jira dad kale oo la buurtay, maadaama safafkii ay ku jireen markii ay maqleen rasaaska kasoo baxeen.