Heybe Axmed Cabdullaahi Taliyaha Ammaanka Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubada hoose ayaa sheegay in ay wadaan howlgalo lagu sugayo ammaanka Degmada.

Waxa uu tilmaamay in maalmo kahor ay kahor tageen weerar Al-Shabaab ay la damacsanaayeen Magaalada.

Macluumaad ay ka heleen dadka deegaanka ayuu sheegay in ay ku sahlanaatay in Duleedka Magaalada Dhoobley ay kaga hortagaan rag katirsan Al-Shabaab.

Muddo fog ayuu shaaciyay in ay daba socdeen kahor tagga weerarada Al-Shabaab ay ka geysan jireen Degmada Dhoobley sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha Ciidamada Ammaanka Dhoobley waxa uu Shacabka ka dalbaday in ay xoojiyaan wada shaqeynta kala dhaxeyso Ciidamada.

Waxa uu digniin u diray dadka Gawaarida leh, isaga oo sheegay in la mamnuucay Bacaha Madow ee Miyaaradaha lagu dhajiyo ee loo yaqaan (Beensalka).

Go’aan ayuu sheegay in uu ka dhashay si looga warqabo dadka saaran Gawaarida kala duwan ee Magaalada isticmaasha.

Qofkii ka dhega fureysta amarkaan maamulka kasoo baxay waxa uu sheegay in ay ula mid tahay dadka dambiyada ku fuliya Gawaarida Miraayadaha Madow sida uu hadalka u dhigay.

Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose dadka intooda badan waxa ay kaga gudbaan Kenya, waxaana ku yaalla Saldhigyo dadka lagu baaro.