Saraakiisha Amaanka dowladda Soomaaliya ayaa u yeeray Maamulka degaanla Lafoole ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Mas’uuliyiinta Maamulka ayaa wax laga weydiinayaa sida ay ku dhacday dil wadareed shalay ka dhacay degaanka Xaawo Cabdi oo ka tirsan Lafoole.

Koox hubeysan ayaa 6 Haween ah iyo shan Rag ah ku dishay degaankaas,kuwaas oo ahaa dadka ka shaqeeya Nadaafadda waddooyinka.

Weerarkaas ma jirto ilaa hadda cid shegatay mas’uuliyaddiisa,waxaana maamulka Gobolka Shabeellaha hoose ay ku eedeeyeen Al-shabaab.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose Maxamed Ibraahim Barre, ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in kooxda weerarka geysatay ay wateen Gaari yar markii ay dilka geysteena ay isaga baxsadeen goobta.