Kooxda Liverpool ayaa war caafimaad kasoo saaray dhaawicii dhawaan soo gaaray xidigeeda reer Africa ee Keita.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Naby Keita ayaa ku rajo weyn in uu dhaawacii soo gaadhay noqdo mid fudud isagoona la sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan garoomada ugu soo laaban doono.

Xiddiga ayaa ku dhaawacmay kulan uu xulkiisu la ciyaarayay Rwanda kana tirsanaa is reeb-reebka koobka Qaarada Africa.

Xiddigan 23 jirka ah ayaa dhamaysan kari waayay kulankii Rwanada isaga oo garoonka laga dhex qaaday iyada oo uu waliba dhabarka ku qaaday xiddig ay isku xul yihiin kadib markii la waayay sariirta dhaawaca.

Kooxda Liverpool  ayaa sheegaysa in uu xiddigu ku rajo weyn yahay in uuna dhaawaciisu noqon doonin culus oo uu taam u noqon doono kulamada ay kooxdiisu ciyaari doonto.