Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay wadahadal la furto Virgil van Dijk oo ku saabsan heshiis kor dhin isagoo todobaadkii qaadan doono aduun dhan 200,000.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Netherlands ayaa kuso baxay daafac cajiib ah tan iyo markii uu kuso biiray Liverpool 2017.

Daafacii hore ee Southhamton ayaa kooxdiisa Liverpool u saftay 30 kulan waxaana dhawaan lala xiririyay in uu u dhaaqayo kooxda Real Madrid.

The Express ayaa ku warameysa in kooxda ka dhisan Merseyside ay wadahadalo la furtay daafacan birta ah si uu kooxda usii joogo ilaa 2023 waxaana miiska loo saaray lacag dhan £200,000 in todobaadkii jeebka loogu shubayo.