Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaliya C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa maanta Magaalada Baydhaba kulan kula qaatay saraakiisha hay’adaha amaanka ee Maamulkaas.

Saraakiisha uu Lafta Gareen kula kulmay Baydhaba waxaa ay kala yihiin Taliyaha Ciidanka Booliska koofur Galbeed Mahad C/Raxmaan Aadan ,  Sarreeye Guuto C/Raxmaan Maxamed Cismaan oo ah Taliyaha qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland.

Kulankan ayaa looga hadlay sidii Hay’adaha amaanka iyo dadweynaha Maamulka Koofur Galbeed isaga kaashan lahaayeen sugidda amaanka degaannada Maamulkaas.

Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa dhawaan guddi u saaray dadkii ku dhintay rabshado ka dhashay Xarigga Mukhtaar Roobow Cali.

Wacaa kale oo uu magaacay Guddi ka shaqeeya minaasibadda Caleemasaarkiisa oo la qprsheeyay in ay dhacdo 16ka Bishan January.