Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya C/Casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa guddi u saaray rabashadihii ka dhacay Baydhaba bishii la soo dhaafay.

Guddigan oo ka kooban todobo xubnood ayaa waxaa ay soo baaridoonaan sababaha dhaliyay, khasaaraha iyo sida lagu xallin karo natiijadii ka dhalatay rabshadaha.

Rabshadihii ka dhacay Baydhaba waxaa ku dhintay 15 Qof oo u badnaa dad rayid ah,waxaana lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

https://scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/