Madaxweyanaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya C/Casiis Lafta Gareen ayaa gaaray Magaalada Baraawe oo ah xarunta Maamulkaas.

Lafta gareen ayaa ka baxay maagaalada Baydhaba oo uu maamulkiisa si KMG ah ugu shaqeeyo.

Maamulka Degmada Baraawe, Odayaasha,Haweenka iyo Ardeyda wax ka barata Magaalada ayaa soo dhaweyn ballaaran u sameeyay Lafta Gareen oo isaga oo madaxweyne ah tagay baraawe.

Waxaa uu kulamo la qaatay Maamulka iyo Waxgaradka Magaalada waxaana ay inta badan uga ahdleen sidii looga wada shaqeyn lahaa adeegga dadweyna,Amaanka iyo dib u dhiska Dekadda iyo garoonka diyaaradaha Baraawe.

Safarkiisa waxaa ku wehliyay Guddoomiyaha Baarlamaanka C/Qaadir Shariif Sheekhunaa iyo qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee Koofur Galbeed.

C/Casiis Lafta Gareen ayaa lagu wadaa in isla galabtaba uu dib ugu laabto magaalada Baydhab,wana markii 2aad oo uu meel ka baxsan Baydhab tago isaga bil ka yar Madaxweyne ah.

Munaasiabdda Caleemasaarkiiska ayaa la qorsheeyay in ay dhacdo 16ka Bishan,waxaana ay ka dhici doontaa Magaalada Baydhbaba.