Taariikhda dunida waxaa ku badan, Dhacdooyin, sheekooyin iyo shakhsiyaad aan jirin oo la been abuuray sida: King Lier, Robenson Crouse, Carra weelo (Carra weelo waddama badan sida Burundi iyo Portugal isku si ayaa looga sheegaa) , Cali Baaba, Calaau Diin, Cigaal Shidaad, Maalin Beenle, Juxa, Alfa Lala wa layl, Dhagdheer, kuwa kale. Ummadaha waxaa loo sameeyaa Taariikho Geesiyaal aan jirin iyo Cadaw aan jirin si midnimadooda iyo hankooda loo ilaaliyo. Dowladuhu waqtiyada qaar dagaala aan loo baahneyn ayey qaadaan, si midnimada loo ilaaliyo oo dadka loogu jeheeyo cadawgaa, ama cilado siyaasadeed oo jira loogu qariyo. waana tusaalooyin Madax badan oo aduunka ku nooli ay ka aqristeen buuga “the Prince” oo uu qoray, Machiavelli.

Taariikhda Xaawa Cusmaan Taako waxa ay leedahay Laba waji mid waa sida badankeenu aan Isguulada ku dhiganay ama aan u maqalnay waqtigii kacaanka ama ka hor.

Midna waa arragtiyo aan ka soo ururiyay dadkii yaqiin qaar iyo qoraalo kale. Waxyaaba badan ayaa la isku khilaafsan yahay oo jiritaankeeda ku saabsan. Sida Magaceedu waa Xaawa Cusmaan, iyo waa Xaawa Mohamed. qoraalada qaar ayaa leh waxa ay ku dhalatay Xamar, qaar kalena Jigjiga. waxa ay dhalatay 1925 qaar kale 1930kii, waxa ay jirtay da’ahaan markii la dilay 23 ama 18 sanno, Ilma yar ayey xambaarsaneeyd markii la dilayay, Talyaaniga ayeyna u dhashay. waxa ay aheyd Mareexaan, ogaden ,Dir, dadka qaar ayaa qabiila kale kuu sheeg. Taalo ayaa Xamar looga dhisay, waxaa la soo jeediyay in Laba Taalo oo kale looga dhiso Jigjiga iyo Rome –Itay. Xamar waxa ay joogtay 3 Sanno oo kaliya waxa ayna ka timid Jigjiga, 2 sanno oo ka mid ah ayey la nooleed Gaalka Talyaaniga. waxa ay aheyd qof naafa ah oo lug ka dhutinee.

A)-Arragtida 1aad:

Aad ayaad u maqasheen ,Waxaa la dilay 11/janaayo/1948, Taalaa loo dhisay 1970, waxaana loogu magic daray Iskuulo & Xaafado badan ( fiiri sawirka 1aad) iyada oo la leeyahay waxaa dilay gumeysi kaal iyada oo gobanimo doon aheyd illeyn isticmaarku fallar ma wadane.

B)-Arragtida 2aad:

Waqtiga la dilayay wadanka ma joogin Talyaani isticmaar ah, waxa joogay Ingiriis Gueyste ahaa, maalintaa waxaa la dilay 54 qof oo Talyaani ah iyo 14 oo Somali ah oo Xaawa Taakana ay ka mid aheyd, waxaana la dhaawacay 55 Talyaani ah, lama dilin hal qof oo SYL taageerayaasheedii ahaa ama qof Ingriis ah, waxa uu ahaa dagaal ay isla ogaayeen Ingiriiska iyo SYL, si looga hor tago in Talyaanigu soo noqdo, loona tuso UN in ayna Soomalidu rabin Talyaaniga.

( waxaa ingiriiska iyo SYL ku heshiiyeen in dhulalka somalida ee uu gumeysto Ingiriisku uu isku mar xuriyad wada siiyo sida NFD iyo qayb ka mid ah Somali galbeed, isaga oo markaana gacanta ku hayay labada qaybood ee koofurta iyo waqooiga Somaliya, Talyaaniga oo kaashanayay dad isga raacsanaa oo u badnaa Saraakiil Ciidan & shibil ahaa oo uu hore u soo tababaray iyo Odayaal dhaqameed uu Mushaar siin jiray oo rabeen in Ingriisku baxo, kadibna waxa la fidiyay Dacaayad aheyd in SYL ay diiday ingiriiska, oo haddi la aqbali lahaana isku mar la xureyn lahaa somalida oo dhan, dacaayadaa oo aad u fiday waxaa ay sababtay in Talyaanigu uu xubnihii SYL uu ciriiri galiyo xattaa Xuriyadda kadib oo aan xil loo dhiibin). Laakin dhab ahaan SYL waxa ay rabtay in Xuriyadda dhulkii Ingiriisku Gumeysanayay isku mar la wada siiyo.

Sidee dagaalku u dhacay Maalintaa ?.

Ciidamadii Ingiriisku waxa ay ka soo baxeen waddada Tiyaatarka dhinac marto illa Villa Somalia, waxa ay ahaayeen Booliskii Somalida ee Ingiriisku qortay, waxa dhabarka ugu xirnaa go’yaal cad cad, waxa ay wateen qoryo xabbad kaliyaale ah, somalida kacdoonka waday waxa ay joogtay ex-School Macallin Jaamac dhinaciisa , Xarunta Ururka Haweenka ee maanta, xabbado ayeyna kor u ridayaan.

Xaawa Taako oo ka mid aheyd taageerayaashii Talyaanigu, kana soo hor jeeday SYL iyo Ingiriisku waxa ay ka soo baxday Guri uu nin Talyaani ahi ku qabay oo ku yiil halka hadda ah Warshada Almuniyuumka ee Shaamo agteeda,waa dhinaca waqooyi ee Taaladeeda, Halkaa oo ay ku carareen Talyani badan oo la eryanayay, si ay u badbaadiso, Xaawo ayaa banaanka u soo baxday, mana wadan garbasaar, madaxuna waa u banaanaa, Fallar ayaa waxaa ku dhuftay Nin la dhihi jiray: Sabriye Naa’r gale, ( Naa’r waa weelka xoolaha biyaha lagu siiyo), Sida ka muuqata sawirka Taalada, wadnaha ma aheyn halka Falaartu uga dhacday ee Afka ayey uga dhacday. Sabriye naa’r gale wuxuu ku caan ahaa, la dagaalankii gumeysiga waxa uuna ka mid ahaa horseedkii SYL.

Md. Xaji Axmed shuqul AUN waxa uu igu yiri: waxaa Taako loogu bixiyay gaalka qabay ayaa lahaa baabuur yar oo Jiib ah oo aan Fariin laheyn, marka uu irida ka soo galo ayuu dhihi jiray, Xaawo “Metti in Tacca” Gaariga taako u dhig, marka ay irida ka furto ayeyna dhagax u dhigi jirtay si uu u istaago. Qoraalada Talyaanigu waxa ay qorayaan in ninkeedu uu ahaa gaadiidleey Talyaani ahaa.

Alberto Alpozzi oo Talyani ah ayaa leh. Markii Talyaanigu ku jabay Dagaalkii 2aad ee Aduunka 1941dii ayaa Ingiriisku la wareegay Somalia oo dhan. Talyaanigu waxa uu sugayay in dib UN ugu soo celiso Somaliya si uu xuriyada u gaarsiiy “League of Nations” kii hore ka dib. Ingiriiska ayaa 7 sanno hayay illaa 1948 dii, si uu uga hortago in Talyaani soo noqdo ayuu dagaal abaabulay si loo xasuuqo Talyaanigii shacabka ahaa ee deganaa Mogadisho, laakin 21 Nofember 1949 ayaa golaha guud ee UN-ku isku raacay in Talyaaniga loo dhiibo. Soona saaray Go’aankii tirsigiisu ahaa 289 ee lagu ogolaaday AFIS “Italian Fiduciary Administration of Somalia”, oo ahaa in Talyaanigu sii xukumo Somalia laga bilaabo April 1, 1950 illaa July 1, 1960. Waana dalka kaliya ee la ogolaaday in wadamadii looga raayay Dagaalkii 2aad ee Aduunku in ay sii xukumaan dal kale.

Bishii Janaayo 11, 1948dii ayaa taageerayaashii Talyaanigu abaabuleen banana bax lagu diidayo Ingiriiska kuwaa waxaa ka mid aheyd Xaawa Taako, Ingriiskuna waxa uu diyaariyay ciidamo uu ka keenay Kenya iyo waqooyiga somaliya waxaana dhacay waxa loo yaqiin Xasuuqii Mogadishu, “ il massacro Mogadiscio”. waxa uu yiri: Alberto Alpozzi dadka na xasuuqay waxaa hor socday SYL “Somali Youth League” (Lega dei Giovani Somali), oo aheyd Urur Dhalin yaro oo sameysmay 1943dii iyaga oo gacan ka helayay Ingriiska, New Zealanders iyo Hindi oo dhamantood diidanaa soo noqoshada Talyaaniga. waa sida uu u qoraye. Maalintaa waxaa la dilay 54 Talyaaniya oo shacaba ahaa iyo 14 somalidii na taageereysay aheyd oo Xaawa Taako ku mid aheyd oo nafteeda u hurtay Talyaaniga aheydna Afada Nin Talyaani ah oo asaga laftiisa la dilay maalintaa.

Alberto Alpozzi waxa uu leeyahay waxaan wareystay Somali uu ka mid yahay Dr. Cabdullahi Elim Shuuriye oo yiri: waxa ay aheyd dhacda xun oo xasuuq ah oo Igiriiska iyo Somali kale ay ka dambeeyeen laguna laayay dad Talyaani ahaa oo aan hubeeysneyn, si UN-ka loogu muujiyo in aan Talyaaniga la rabin, maalintaa dad bada oo Somali ahaa oo Talyaaniga difaacayay ayaa la dilay, Maalintaa Somalida la jirtay Ingriiska iyo SYL waxa ay wateen Gamuuno iyo Qaansooyin.

Alberto waxa uu yiri: Dadkii Somalida ahaa ee darteena u dhintay waxan taalo uga dhisnay Bartama Kaniisadda – “Chiesa Perenne Suffragio” oo ku taal Piazza Salerno ee magaalada Rome,Bishii Janaayo 2012 ( F.S: 2aad).

Antonia Bullott Buugiisii ( La Somalia Sotto Due Banfiere) oo muujinaya sawirka kuwii talyaaniga la jiray, ( F.S: 3aad) ayaa yiri: waxa Talyaaniga laayay waa Ingiriis ay la jireen ciidan uu ka keenay waqooyiga Somalia, Kenya iyo SYL, waxa uu raaciyay in G/dhexe Thorne oo ahaa Taliye ku xigeenkii Booliska Ingirisku uu la noqday fasax hore loo siiyay Taageerayaashii Talyaanigu si ay u bananabixi karaan maalinta Axadda, laakin waxa uu ogolaaday in SYL ay baanan baxdo.

Degenaan la’aantu waxa ay bilaabatay subaxdiiba markii Talyaaniga lagu weeraray Jidadka, Maqaayadaha iyo Dukaamankoodii kadibna Guryahoodii la bililiqeystay waxaana loo yaqiin Ugaarsigii talyaaniga “Italian hunt” “caccia all’italiano” dadku muddo ayey yiileen waddooyinka ,dhawaciina looma gurman, ciidamadii Ingiriiskuna waa fiirsanayeen. Waxaa badbaaday 800 qof oo Talyaani ahaa oo ku carary Kaniisada weyn ee Cathedral “De Vincenzi” ee Magaalada Mogadishu.Qaar kalena horteeda ayaa lagu xasuuqay ( (F.S: 4 aad). Kuwii badbaaday, ma jirin wax guryahoodii yiil , Ingriiska ayaa xero geeyay xabsi ah weliba intii ay ku jireen xeradaa waxaa Ingiriisku ka qaadayay Kiro iyo in ay dayac tiraan wixii xerada ka xumaaday.

Qaar ka mid ahaa dadkii Talyaaniga ee maalintaa la dilay waxaa lagu aasay qabuuraha Talyaaniga ee Mogadishu, waxaase dib loogu qaaday dalka Talyaaniga 1968dii (F.S: 5aad). (( waxa ay qabuurahaasi ahaayeen halka uu maanta ku yaal Masjidka Isbaheysigu)).

Sannada badan kadib Ingiriisku waxa ay qirteen masuuliyada Xasuuqaa, markii gudigii xaqiiqa raadinta ee Major Flaxman oo Ingriis ahaa iyo Qunsulkii Talyaaniga u joogay Nairobi loo xilsaaray dacwada, ayna dhageeysteen 102 Markhaati waxaana la soo saaray warbixintii loo yaqiin “Flaxman Report” “Rapporto Flaxman” lagana dhigay in mudda ah waxa loo yaqaan “ top secret”.

Markhaati: Gaadha la yiraa Elvira Maragliano, oo markaa 9 sanno jir aheyd iyo hooyadeed Anna oo ka badbaaday maalintaa Axadii xasuuqa .Elvira oo markii uu wareeysanayay 59 jir aheyd ayaa tiri: weli waan xasuustaa wixii dhacay Axadii January 11, 1948. Banaanbaxyo ayaa la diyaarinayay usbuuc dhan, waxaana la sugayay wafdi ka socda Dowladihii waaweynaa si ay u go’aamiyaan Ingiriis iyo Talyani cidda Somaliya xuriyadda gaarsiinee. Ingiriisku noogama duwaneyn SYL waxaana ugu yeeri jirnay Labadaba “those of the club” quello del club.

Elvira ayaa tiri: Anniga iyo walalkey Enrico iyo saaxiiba kale oo aan deris aheyn sida: Gherardo iyo Carla, waxaan ku ciyaareynay Jardiinada Guriga ,gurigeenu waxa uu ku yiil waddada “ Via Antonio Cecchi” ee Mogadishu ,waddadu waxa ay ku dhamaaneysay isgooyska “Via XXIV Maggio” oo u dhaweyd xarunta SYL ee Mogadishu, waxaa noo yimid Aabahey oo argagaxsan 11.00 subaxnimo waxa uu yiri : Irdaha xira Magaaladu ma fiicno, wax yar kadib waxaan maqalnay xabado iyo dad qeylinayo. Waxaan naxtin ka dareenay wajiga Booyaasteena Fatuma ,waxa ay fahamtay dadka banaanku waxa ay ku qaylinayaan, waxaan u cararny gurigii Taliyihii Ingiriiska oo noo dhawaa G/dhexe Thorne, waddada waxaan ka maqleynay cabaadka dad Talyaani ahaa. Aniga ,Hooyo iyo Ayeeyo waxaan fadhiisanay qolka fadhiga ee G/dhexe Thorne oo shaqaalihiisu noo ogolaadeen.

Galabtii 14: 00/15: 00 ma xasuusto mida ay aheyd shanqartii waa yaraatay, waxaa yimid G/dhexe: Thorne oo shaqaalihiisii ku qayliyay kuna yiri: Talyaanigu maxey ka sameynayaan Gurigeeyga, Telefon ayuu qabsaday. Nus saac kadib waxaa yimid Baabuur weyn ,waxaana nala faray in aan korno ,baabuurka dushiisa waxaa ka muuqday dhiig fara badan ,waxaan dareenay in dhaawac badan iyo maydad lagu qaaday maanta, waxaa nala geeyay Isbitaalka “De Martino” oo xeebta ku yiil, waxaana ugu tagnay dhaawacya badan iyo dad wada argagaxsan, waxaan ogaanay in Talyaani badan oo Dumar iyo caruuri ku jiraan si xun ey SYL- ku ugu dileen waddooyinka iyo Guryahooda, waxa kale oo aan ogaanay in Haween lagu hor kufsaday wiilashoodii iyo raggoodii kadibna la dilay.

Isbitaalka “De Martino” Qolalkii waaweynaa ayaa dermoyin naloo dhigay dhulka, cuntadu waxa ay aheyd mid yar oo aad u xun, mana aheyn meel caafimaadka ku haboon. Dhakhtarkii dhalin yarad ahaa ee Isbitaalka joogay Dr. Leonardo Basiricò saddax maalin ayuu isaga oona seexan ku mashquulsanaa dadkaa daaweyntooda, Isbitaalka ayaan sii joogany maalmo illaa xaaladu caadi ku soo noqotay, kadibna guryeheynii ayaan dib ugu soo noqonay ayey tiri Elvira.

FG: Waan hubaa in qoraalkaan dood badani ka dhalan doonto, laakin ma ahan in aanan ka jawaabin Codsigii saaxiibadeyda FB ee ahaa soo raadii Taariikhdii Xaawa Taako, aniguba Baaritaanka ka hor wax badan kama ogeyn ,waxaaan u baahanaa in aan wax badan ka ogaado, laga yaabee in aan helo qof iisheega wixii sax ah & wixii khalad ah ama ka dhiman Taariikh Baaritaankaan aan ku daalay.

Labadaa aragti ayaa jirta, oo qoraalada qaar iyo goobjooga yaal ay sheegayaan, kaa doonto qaado, waxa kale oo aan jeclaa lahaa in aad sameyso Cilmi Baaris dheeri ah oo madax banana . Si aan u shaki baxno. Arragtidaadna xur ayaad u tahay, wixii iga khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.

Kuwii i yiri: Taariikhda Xaawa Taako soo baar, waxbeey ogaayeen ee mexeey ii daalinayeen.

Qore: Yahya Amir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here