Kooxaha Atletico Madrid iyo Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay ku dagaalami doonaan saxiixa weeraryahanka Inter Milan Mauro Icardi xagaaga.

Icardi qandaraaska uu haatan kula joogo Inter wuxuu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedka 2020ka, wuxuu dhaliyey 15 gool 27 kulan oo uu u saftay kooxdiisa xilli ciyaareedkan.

Dhaliyahaan ayaa aad loola xiririyay kooxda Chelsea intii uu furnaa suuqa janaayo balse waa ay ku fashilmeen saxiixa xidigan.

25 jirkaan ayaa 122 gool dhaliyey 209 kulan oo uu u saftay Inter tan iyo markii uu yimid Sampdoria sannadkii 2013