Labo Gabdhood ayaa lagu kufsaday degaano ku yaalla Gobolka Sanaag sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Ciidamada Puntland ee Gobolkaasi.

Degmada Badhan ee Gobolka Sanaad waxaa Khamiistii la xaqiijiyay in lagu kufsaday gabar lix jir ah oo uu kufsigaasi u geystay Nin da’diisa lagu sheegay 20 ilaa 25 jir.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishinta Puntland ee Gobolka Sanaag Cabdullahi Cumar Canshuur, ayaa sheegay in Ninka kufsaday Gabadha lix jirka ah la soo qabtay.

Taliye Canshuur ayaa dhinaca kale sheegay in Gabar 15 jir ah lagu kufsaday tuulo Miyiga Gobolka Sanaag ku taalla, waxaa uu xusay in Nin Geel jire ah oo da’da soddonaad ku jira uu Middi ku dhaawacay sidoo kalena Ul ku garaacay Gabadha sidaasna ku kufsaday.

Taliyaha ayaa sheegay in Ninkaasi baxsaday hay’adaha amaankana ku daba jiraan, isaga oo intaas ku daray in Ninkaasi ay ku daba jiraan.

Todobaadyadii la soo dhaafay falal kufsi ah ayaa ka dhacay Magaalooyinka Gaalkacyo, Garbahaarreey,Beledweyne, Guraceel iyo Tukarraq.