Weraryahanka kooxda PSG iyo xulka France Kylian Mbappe ayaa ugu baaqay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Ajax Frenkie de Jong inuu kuso biiro Paris Saint-Germain.

De Jong ayaa loo arkaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican kubadda cagta Yurub, iyadoo ay kooxo dhowr ah ku raad joogaan adeegiisa.

Ajax ayaa lagu soo waramayaa inay qiimo gaaraya 75 milyan ginni iney ku iibineyso xiddiga khadka dhexe, waxaana la sheegay in PSG ay qiimahaas diyaar la tahay.

Mbappe ayaa haatan ka hadlaya xaaladda De jong, weeraryahanka ayaana doonaya De Jong inuu kuso biiro caasimada Faransiiska.

“Runtii waa xidig da’yar oo cajiib ah waana jeclaa in uu halkan imaado” ayuu yiri xidiga oo hadlayay.

De Jong ayaa Ajax kaga soo biiray Willem 2015, isagoona u dhaliyay labo  gool 22 kulan oo uu u saftay kooxdiisa hore.