Safiirka Kuwait ee Golaha Ammaanka oo ka qayb galay shir labo maalin ka socday Magaalada Qaahira ee Caasimadda Masar, loogana hadlayay Arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in howlaha Geedi socodka Soomaaliya uu marayo Meel wanaagsan.

Waxa uu intaa ku daray Mansuur Al-Cuteyba howlaha isku xiranka Wadamada Geeska Afrika ay kaalin weyn ka qaadan karto soo hagaagidda Ammaanka Soomaaliya.

Isagoo ka hadlayay Shirkii 150-aad ee Wasiirada Arrimaha Dibadda Wadamada Jaamacadda Carabta waxa uu sheegay in Dowladda Kuwait ay soo dhoweyneyso howlaha lagu nabadeynayo Dalalka Geeska Afrika ee Colaad ka dhaxeysay kala fogeysay.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa uu faray Safiirka Kuwait ee Golaha Ammaanka in ay Xoojiyo Kobaca dhaqaalaha Dalka si dalka uu ugu soo kabto dhaqaalo xumida, si Soomaalidu ay u noqoto mid ka maaranto Kaalmada Shisheeye.

Xalka ugu dhaw ee lagu gaari karo Xasiloonida waxa uu ku tilmaamay Safiir Mansuur in la qaado Hab siyaasadeed degen oo laga qayb gelinayo dhinacyada muhiimka u ah si loo saldhigo Soomaalida sida uu hadalka u dhigay.

Waa uu sii hadlay waxa uuna intaa ku daray in Dowladda Federaalka looga baahan yahay in ay ka baaraan-degto kahor 2020-ka Doorashada la filayo in ay dalka ka dhacdo.

“Sida ku xusan Warmurtiyeedkii kasoo baxay Shirkii ugu dambeeyay ee looga hadlayay Arrimaha Soomaaliya, kana dhacay Magaalada Brussels waxaa la isla qaatay in dalka la gaarsiiyo Doorasho qof iyo codkii ah, si looga baxo Nidaamka wax lagu dooranayay tan iyo Burburkii Dowladii dhexe ee dalka” sidaana waxaa yiri Safiirka Kuwait ee Golaha Ammaanka u qaabilsan Mansuur Al-Cubeyda.

Jaamacadda Carabta waxa uu ka dalbaday in aan joojin kaalmada Soomaaliya oo hadda Soomaaliya u dhawdahay in ay gaarto isku filnaashiyo, waxa uuna Amaanay Ciidamada AMISOM oo uu sheegay in ay bilaabeen in Ciidamada Dowladda ay si tartiib-tartiib ah dalka ugu wareejiyaan.

Ugu dambeyn waxa uu soo jeediyay in aan Beesha Caalamka indhaha ka saaban ama ka xiran Soomaaliya, Isagoona Dowlada Federaalka ugu baaqay in ay ka faaiideystaan Kaalmada Caalamka ee Joogtada ah.

Waxaa Soomaaliyeeyay Bashiir Maxamuud Yuusuf.