Korneyl Siciid Cawil Caarre oo sheegay in uu tagay Deegaanno katirsan Gobolka Sanaag ayaa tilmaamay in soo arkay dad la dhibaateysan abaar ku dhufutay Deegaanadooda.

Dadka ayuu sheegay in ay ugu daran tahay biyo la’aanta ka jirta deegaanadooda, oo ay usii dheertahay colaadda u dhaxeysa Maamulada Puntland iyo Somaliland oo saameysay.

Waxa uu dalbaday in hay’adaha samafalka ay gurmad gaarsiiyaan qoysaskaan oo la dhibaateysan noloshada liidato ee ay ku nool yihiin sida uu hadalka u dhigay.

Korneel Caarre ayaa intaa ku daray in ay jiraan deegaanno kale oo lagu wargeliyay in ay kasii liitaan kuwa uu tagay.

Qoysaska Xoolo dhaqatada ah ayuu tilmaamay in uu ay ka guureen tuulooyinka qaar, si ay u helaan goobo ay ka heli karaan Biyo ay cabaan iyo kuwo ay siistaan Xoolahooda.

Maamulka Somaliland ee uu dhowaan kasoo goystay waxa uu ka dalbaday in ay joojiyaan colaad uu sheegay in ay u abaabulayaan qaybo kamid ah Gobolka Sanaag oo ay kunool yihiin dad la daalaa dhacaya abaar ka jirta dhulkooda